Somali News

Puntland oo sheegtay in ay la shaqeyn doonto Dowladda dhexe

Muqdisho-KNN-Wafdiga ay u dirtay dowladdaSoomaaliya ee ku sugan  magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal islamarkaana kulamo halkaasi kula qaatay madaxweynaha cusub ee maamulka puntland iyo waxgaradka ayaa inta aysan kasoo bixin halkaasi shalay waxa ay kulan la qaateen guddoomiyaha golaha wakiilada ee maamulka puntland.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay in laga shaqeeyo horumarka dalka iyo in meesha laga saaro khilaaf waliba ee jiray.

Guddoomiyaha golaha wakiilada ee maamulka puntland Cabdi xakiim Maxamed Axmed Dhoobo-daaraad mar uu la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay meesha ka baxday khilaafkii u dhaxeeyay maamulka puntland iyo dowladda federaalka ah ee soomaaliya ayna ballan qaadayaan inuusan soo laaban wax khilaaf ah muddada labada sano ee u harsan dowladda

Hadalkiisa isaga oo sii wata ayuu ka dalbaday guddoomiyuhu madaxda haatan dalka ka arrimisa inay isku hayaan siyaasadda amniga iyo dhaqaalaha dalka si loo gaaro horumarn wanaagsan.

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda soomaaliya Ambasador Axmed Ciise Cawad mar uu isna dhankiisa la hadlay warbaahinta ayuu shaaca ka qaaday in dowladda soomaaliya ay ku dedaali doonto dhankeeda inay xaliso khilaaf waliba ee yimaada blse muhiim ay tahay buu yiri wasiirku inaanan la oran cidne ma imaan karo dhulka ay ka arrimiso puntland.

Arrintaan ayaa timid kaddib Madaxweynihii hore ee maamulka puntland Cabdi  weli Maxamed Cali Gaas oo cabsi ka qabay in dowladda ay farageliso doorashada puntkand ayaa ka mamnuucay wafdi kasocda dowladda inay tagaan magaalada garoowe si ay doorashada uga noqdaan korjoogto.