Somali News

Puntland oo sheegtay in dagaal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Taliska booliska gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa ka warbixiyay dagaal culus oo ay ciidamada Puntland la galeen Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay Buuraha Galgala, iyagoona sheegay in khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyen kooxdaasi.

Xuseen Cali Maxamuud Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigg ay Ciidamada Puntland ku leeyihiin Buuraha Galgala ee gobolka Bari, islamarkaana ay iska caabiyeen.

Sidoo kale Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in 10 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen dagaalka, islamarkaana ay nolashada ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab