Qardha-KNN-Taliye ku xigeenka qeybta booliska gobolka Bari Jaamac Cusmaan Axmed oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Qardha ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay howlgal ay ciidamada Puntland ay ka sameeyeen deegaano hoostago magaalada Qardho.
Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay dhalinyaro dhac xiliga habeenkii dhac ka geysta xaafadaha magaalada Qardho, islamarkaan waxaa uu sheegay in haatan ay ku xiran yihiin xabsiga magaalada Qardho.
Sidoo kale taliye ku xigeenka ayaa waxaa uu sheegay in tirada dadka la soo qabtay ay gaarayaan ku dhawaad 9 qof, isagoona sheegay in dhawaan maxkamad la horkeeni doono.
Ugu dambeyn taliye ku xigeenka ayaa waxaa uu waalidiinta ugu baaqay in ay cishtaan caruurtooda, islamarkaana ay kala taliyaan in aysan dadka dhacin habeenkii, hadii kalana booliska ay tilaabo ka qaadi doonaan.