Somali News

Puntland oo sheegtay in Somaliland iyo Al-shabaab ay isu baheysteen weerarka Sanaag.

Garoowe-KNN-Taliyaha Ciidamada Puntland  Yaasiin Cumar Dheere  oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baran ee Gobalka Sanaag ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay duulaan uu sheegay in Soomaaliland ay ku yihiin deegaanada Puntland.

Yaasiin Cumar Dheere oo khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa halkaasi ka sheegay in Somaliland iyo Al-shabaab oo is-bahaystay ay doonayaan in ay dagaal ku soo qaadan degmada Badhan iyo degaaannada kale ee gobolka Sanaag.

Taliyaha ayaa wuxuu ciidamada ku amray in ay u diyaar-garooban dagaal, islamarkaana ay adkeeyaan xuduuda labada maamul.

Sidoo kale Taliayaha ayaa waxaa uu sheegay in  Somaliland ay doonayso in ay dagaal ku qabsato gobolka Sanaag.