Somali News

Puntland oo sheegtay in xubno Al-Shabaab ah lagu dilay Bari

Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo ah Taliye ku xigeenka ciidamada Puntland ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay dagaal ciidamada Puntland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka 50 km u jeera Buuraleyda Galgala.

Dagaalka ayuu taliyaha sheegay in jab xooggan ay ku gaarsiiyeen dagaalayaasha Al-shabaab, iskamarkaana laga  dilay 10 dagaalame, iyagoona sheegay in ay ka qabsadeen sida uu hadalka u dhigay dagaalamayaal kale.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu shaaca ka qaaday in saakay howl-gal ka dhan ah Al-shabaab uu ka socda gobolka Bari,  kaasi oo ay ku doonayaan in saxaafadda ay usoo bandhigaan khasaaraha guud ee Al-shabaab la gaarsiiyay.

Buuraleyda Galgala ayaa inta badan waxaa ku dagaalama ciidamada Puntland iyo dagaalameyaasha Al-shabaab iyo daacish.