Somali News

Puntland oo Sheegtay in xubno Al-Shabaab iyo Daacish ay ku qabatay Boosaaso.

Boosaaso-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamada difaacada maamulka Puntland  ay  howlgalo ka sameeyeen magaaladaasi.

Waxaa la sheegay in ciidanka Puntland ay gacanta ku soo dhigeen 6 qof oo kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasi oo ku sugnaa qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Taliyaka ciidamada difaaca ee Maamulka Puntland ee ( PSF)  ayaa warbaahinta u sheegay in ay gacanta xubno Al-Shabaab iyo Daacish ah, sidoo kale waxaa ay shaaca ka qaadeen in ay qabteen sahay ay usideen xubnahan Shabaabka iyo Daacishta ku sugan Buuralayda Gobalka Bari.

Howlgalkan ayaa ku soo aadayaa  xili ciidamada amaanka maamulka Puntland ay habeen ka hor fashiliyeen qarax lagu aasay batamaha suuqa Magaalada Boosaaso.

Magaalada boosaaso ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan koox ku hubeysan bistoolad.