Somali News

Puntland oo si adag u beenisay in ay taageertay Ahlu-sunna

Maamulka Puntland ayaa beeniyay warar soo baxayay oo sheegayay in ay ka qey yihiin dadka taageeraya dagaalka afarta maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabduladiif Muuse Sanyare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wada-shaqeyn buuxda ay lala leeyihiin maamulka Galmudug.

“Wararka sheegaya in Puntland ay taageero dhaqaale iyo mid kaalmaba u sameysay, waxaan caddeyneynaa in aysan waxba ka jirin wararkaasi, waxaana aamin sannahay in Galmudug tahay dowlad dhisan oo daris la ah” ayuu yiri Sanyare

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wararkaasi ay sheegeen dad aan aheyn reer Galmudug, isla markaasna aaney qabin waxgarad iyo bulshada kaleba.