Garowe-KNN-Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland Maxamuud Xasan Cismaan oo ka jawaabaya dalab uu shalay Madaxweyne farmaajo u diray madaxweynaha maamulka Puntland, waxa uuna sheegay Xeer ilaaliyuhu in aysan jirin cid sharciga ka weyn oo sii deyn karta rag xiran oo lasoo eedeeyay.
“Dadka eedeysaneyaasha oo Garoowe iyo Boosaaso ku xiran Madaxweynaha ma-amrin in la soo xiro, waxaa loo soo qabtey in ay ku xadgudbeen shuruucda u deggan Puntland, Dadka hadda ka hadlaya muwaadiniin la soo xiray, ma aqaano ujeeddada ay leeyihiin, dalka sharci buu leeyahay, horeyna dad waa la soo eedeyn jiray, waana la soo xiri jiray ragaana waa lasoo xiray oo sharciga ayey marayaan,”ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland.
Xeer ilaaliyaha oo warbaahinta kula hadlayay Garowe ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Dani uusan midkoona sii deyn karin eedeysane xiran, cidda awoodda lehna ay tahay oo kaliya sharciga, waxa uu ka qabana lagu qaadi doono eedeysanayaasha.