Garowe–KNN– Wararka ka imaanaya Degaanada Maamul Gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in Xabsiyada ku yaalla Degaanada Puntland laga siidaayay 14 Qof oo loo haystay Dambiyo la Xiriira Al-shabaabnimo.
Xeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cismaan oo la hadlay Saxafadda ayaa sheegay in Dhalinyaradaan u xirnaa Maamulka Puntland ay ahaayeen tahriibeyaal Gacanta ay ku soo dhigeen Ciidamada Ammaanka Balse aysan aheyn Al-shabaab.
Waxaana uu Tilmaamay in Xabsiga laga siidaayay,iyadoo uu intaas ku daray in Labo kamida Tahriibeyaasha oo u dhashay Puntland lagu Ganaaxay Lacag Shili Soomaali ah.