Somali News

Puntland oo Soomaaliland ku eedeysay in ay ka dambeysay qaraxii Buuhoodle.

Buuhoodle-KNN-Madaxweyne  ku xigeenka maamulka pundland Cabdi Xakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar camey oo la hadlay warbaahinta ayaa wwaxaa uu ka hadlay qaraxii maalmo ka ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobalka Togdheer.

Sidoo kale waxaa Madaxweynaha ayaa soomaaliland waxaa uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen qaraxii ka dhacay degmada Buuhoodle.

Madaxweyne Camey ayaa waxaa uu tilmaamay in soomaaliland ay gadaal ka riixeyso dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Soomaaliland,kaasi oo ku aadan in ay soomaaliland ay ku dambeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobalka Togdheer.