Somali News

Puntland oo u jawaabtay Wasiir Goodax

Garowe-KNN-Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay hadal shalay uu magaalada Jowhar ka sheegay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullah Goodax Barre, oo ahaa in uu fashilmay Imtixaankii shahaadiga ah ee maamulka Puntland uu qaadayo.

Wasiirka Waxbarashada Maamulka Puntland Cabdullahi Maxamed Xasan ayaa beeniyay hadal ka soo baxay Wasiirka Waxbarashada ee dowladda dhexe, oo ahaa in uu fashilmay imtixaanka ka socda deegaanada Puntland.

Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa sheegay in uu fashilka imtixaanka uu kali ku yahay dowladda dhexe, imtaaxka shahaadigaa ee deegaanadoodana uu si habsami leh u socdo.

Deegaanada maamulka Puntland ayaa waxaa shalay kabilaawday imtixaanka shahaadigaa ee sanadkaan oo ay u fariisteen in ku dhow 16 kun oo Arday, oo dheysatay fasalada Dusgiyada sare iyo kuwa dhexe.