Somali News

Puntland oo xalay Kulan dadweyne ka baajisay Madaxweyne Farmaajo

Garoowe-KNN-Wararka Ka imaanaya Mgaalada Garoowe ayaa sheegaya in Maamulka Puntland uu xalay joojiyay Kulanka dadweyne uu  madaxweynaha Soomaaliya ku qaban lahaa, hotel ku yaalla magaalada Garoowe.

Kulankan oo sida boorkiisa ku xusan  ay soo qaban-qaabisay, xarunta cilmi-baarista ee Center For Policy Alternatives oo fadhigeedu yahay Garoowe, ayaa sida la sheegay ku saabsanaa, hannaanka  doorashooyinka dalku wajahayo iyo doorka bulshada rayidka ah.

Sababta loo baajiyay kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay, xilli haatan uu khilaaf u dhexeeyo Madaxda Dowladda Dhexe iyo Maamulka Puntland, waxaa ayna Puntland sheegtay inaan lagu soo wargelinin arintaasi, sida uu KNN u sheegay Wariye Madax Banaan  oo lagu magacaabo Saciid Maxamed Cali.

Ilaa iyo Hada Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Maamulka PUntland, kaasi oo ku aadan wararka sheegaya in kulanka dadweynaha laga baajiyay madaxweyne Farmaajo.