Somali News

Puntland oo xubno Daacish ah ku dishay G/Bari

Boosaaso-KNN-Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa ka warbixiyey howgallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Bari ee Puntland.

Howlgallada oo ka dhacay deegaanka Toga Miraale oo hoos  taga magaalada Boosaaso ee xarunta  gobolka Bari ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan ururka Daacish.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ayaa sheegay in lagu dilay illaa afar dagaalame oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsanaa Daacish, inkasta oo aysan shaacin magaciisa.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen saraakiishu in dhaq dhaqaaqyadooda ay sii socon doonaan, isla markaana ay ku gaari doonaan deegaano hor leh.

Daacishta ka dagaalanta Soomaaliya ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, iyadoo weeraro gaadmo ah ku soo qaada saldhigyada ciidamada Puntland ee gobolka Bari.