Somali News

Q.M oo baaraysa Go’aanka dalka looga ceyriyay Nicholas Haysom.

Muqdisho-KNN-Afhayeenka labaad ee Qaramada Midoobe Farhan Haq ayaa sheegay in ay baaritaano ku samaynayaan sababihii ka danbeeyay in dowlada Somalia ay ceerido wakiilkii xoghayaha guud ee QM ee Somalia Nicholas Haysom.

Waxaan u eegi doonaa arintan si dagan waxaan isku dayeenaa in aan dhinacyo badan eegno sababihii ka danbeeyay in eryida wakiilka iyo waxyaabaha lagu saleeyay in dalka laga saaro ayuu hadalkiisa sii raacsay ku xigeenka afhayeenka guud ee Qamada midoobe.

Talaadadii ayay ahayd markii dowlada soomaaliya ay sheegtay in aysan ku qancin shaqada uu dalka ka hayo wakiilka xoghaya guud ee qaramada midoobe Nicholas Hysom iyagoona isla markaas ku amray in dalka uukaga baxo sida ugu dhaqsiyaha badan kadibmarkii ay dowlada ku eedeysay in faragalin uu ka sameeyay madaxbanaanida dalka.

 Mr Hysom ayaa xafiiska QM ee soomaaliya yimid bishii September ee sanadkii ina dhaafay 2018 isagoona soomaaliya ka shaqeenayay mudo afar bilood oo kali ah.

Afhayeenka QM waxa uu dhaliilay hanaanka loo maray shaqa ka ceerinta Hysom isagoona sheegay in shaqa ka ceerintiisa ay kusoo beegantahay waxyar uun kadib markii xoghaya guud ee Qm Antonio Gutters uu si adag u cambaarayay weerar hoobiyaal ah oo lagu qaaday xafiiska QM eek u leedahay xerada Xalane halkaasi oo ay ku dhaawacmeen Qaar katirsan shaqaalaha QM isagoona dalbaday in dowlada soomaaliya ay baaritaano ku samayso weerarkaasi.

Go’aanka dowlada soomaaliya ay ku gaartay in dalka ay ka ceerido Nichols Haysom wakiilka xoghayaha guud QM midoobe u qaabilsan soomaaliya ayaa ka danbeesay kadib markii uu waraaq uu ku dalbanayo in faahfaahino laga bixiyo wixii ka dhacay Baydhabo uu u diray wasaarada amniga soomaaliya.