Uncategorized

Q.M oo balan qaad u sameysay qaxootiga Soomaaliyeed ee xerada Dha-dhaab Kenya

Muqdisho-KNN-Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa la kulmay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada dha-dhaab ee dalka Kenya.

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada dha-dhaab ee Kenya ayaa tiradooda inta diiwaan geshan waxay gaareysaa 226,472 oo ruux.

Michael Keating ayaa Sheegay in Xiligan Dhibaatooyin badan ay haystaan Qaxootiga soomaaliyeed ku nool xerada dhadhaab ee dalka Kenya,isagoona balanqaaday Q.M ay wax badan u qaban doono Qaxootiga.

Waxaa uu ka codsaday Qaxootiga Soomaaliyeed in ay ka Shaqeeyaan Amniga guud ahaan Dalka Kenya,si aan looga shakin in Shabaab ay ku dhuumaaleysanayaan Xeradada Dhabdhaab.

Qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xerada Dhadhaab ee Dalka Kenya oo iyaga ka hadlay dhibaatooyinkooda ayaa waxaa ay sheegeen in Dhibato badan Xiligan lagu hayo,oo ay kala kulmayaan Hay’ada UNHCR iyo Ciidamada Kenya,iyagoona tilmaamay in ay u baahan yihiin in halkan lagu caawiyo Qaxootiga.

Bishii May ee sanadkii tagay ayaa wasiirka amniga ee Kenya wuxuu shaaciyey in Kenya ay albaabada u laabi doonto xerada qaxootiga ee Dhadhaab, halkaas oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo qaxooti ah.

Kenya ayaa xeryaha qaxootiga sheegtay iay noqdeen meelo laga soo maleego weerarada argigixisada, gaar ahaan weeraradii ka dhacay dalka Kenya.

Sanadkii 2013-kii ayaa dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hay`ada Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga waxay kala saxiixdeen heshiis sedax geesood ahaa oo qaxootiga Soomaaliyeed dib loogu soo cilinayo dalka Soomaaliya.