Hargeysa-KNN-Madaxa arimaha Bini`aadanimada ee Qaramada Midoobey oo dhawaan gaaray deegaanada Soomaaliland ayaa sheegay in dadkii uu ku arkay deegaanadii uu tagay ay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah xoolihii ay lahaayeene abaarihii ku dhuftay Soomaaliland sedaxdii sano ee la soo dhaafay ay kaga dhamaadeen xoolahoodii.
Masuulkaan ayaa magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland kula kulmay Madaxweyne Muusa Biixi iyo Xubna kale oo ka tirsan Soomaaliland kuwaas uu kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaarahaan soo lab laabtay ee saameynta ku yeeshay dadka xoolo dhaqatada ah iyo dhamaan dadka reer Soomaaliland, wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay in laga gaashaaman waayo abaartii sanadkii hore ku dhufatay deegaanada Soomaaliland oo markale ay saameyso shacabka Soomaaliland.
Gudoomiyaha hayada ka hortaga masiibooyinka iyo keydinta cunada ee Soomaaliland Faysal Cali Shiikh ayaa dhawaan sheegay 221,000 oo qoys ay hadda ay wajahaan cuno yari daran isla markaana loo baahan yahay in si dag dag ah wax loogu qabto dadkaas inta aysan macluulsha haysa ugu geeriyoonin.
Soomaaliland ayaa waxaa ka jira abaaro saameeyay dad iyo duunyaba, deegaanada qaar biyo ayaa la gaarsiiyaa halka kuwoo kala wali aan la gaarsiinin wax gurmad ah.