Somali News

Q.M oo ka hadashay heshiiska ay wada gaareen xukuumadda iyo Mucaaradka.

War saxaafadeed ka soo baxay qaramada Midoobey ayaa lagu soo dhaweeyey heshiiskii ka koobnaa lixda qodob ee ay gaareen xukuumadda xil-gaarsiinta iyo golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kaas oo lagu cadeeyey in xukuumaddu raali gelin ka bixisay, guddi baarana loo saaray wixii 19-kii bishan Febraayo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale heshiiskaas waxaa lagu cadeeyey in dib loo dhigay banaanbixii ay midowga musharaxiintu u qorsheeyeen inuu dhaco  maanta oo jimco ah, iyadoona arrintan ay si weyn u soo dhaweysay qaramada Midoobay

“Qaramada Midoobay waxay si diiran usoo dhawaynaysaa heshiiskii ay caawa ku dhawaaqeen  Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Benaadir iyo sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta, waxayna bogaadinaysaa kuna tilmaamaysaa heshiiskaasi tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, ayadoo ku tilmaamaysa mid u adeegaya danaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Muqdisho iyo Soomaali oo dhan” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay qaramada Midoobay.