Somali News

Q.M oo Markale War ka soo saartay Ceyrinta Haysom.

Muqdisho-KNN-Golaha Amaanka ee QM ayaa sabtigii waxaa ay muujiyeen qoomamadooda ku aadan cayrinta Ergaygii xoghayaha guud ee QM, laakiin waxay ku dareen in ay rijadu tahay Iskaasi buuxa oo dhexmara Soomaaliya iyo QM.

Golaha ayaa soo saaray war ay u dhanyihiin kadib markii Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres uu Jimcihii sheegay in uu wakiil cusub magacaabayo Soomaaliya oo 1-dii Bishan ku dhawaaqday eryidda Haysom.

Dowladda Britain ayaa qoraal qabyo ah waxay ku muujisay walaaca ay ka qabto go’aanka Soomaaliya waxayna taageero u muujisay Howlgalka Qaramadda midoobay ee Soomaaliya.

Goluhu waxaa uu yeeshay kulan ay albaabadu u xiranyihiin jimcihii si uu uga shiro jawaaba  ay mudantahay  Soomaaliya laakiin Shiinaha ayaa weydiistay in waqti dheer la siiyo arrinta, sida ay baahisay AFP oo soo xiganeeysa Dublamaasiyiin aan la magacaabin.

Shiinaha ayaa waxaa uu golaha u sheegay in ay xushmeeyaan Madaxbanaanida, Aqoonsiga dhuleed, Madaxbanaanida siyaasadeed iyo midnimadda Soomaaliya, ayey dublamaasiyiintu sheegeen.

Goluhu waxaa uu sheegay in 2019 uu Soomaaliya u yahay Sanad xasaasi ah waxayna ugu baaqeen Hogaanka Dalka in ay wadajir u shaqeeyaan si ay u horumariyaan isbadaladda Siyaasadeed iyo amni.

Xasarad Dublamaasiyadeed ayaa ka dhalatay go’aanka Dowladda Soomaaliya ay dalka uga cayrisay Wakiilkii QM Nicholas Haysom oo ku xad gudubay Madaxbananida Dalka, sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.