Somali News

Q M oo muddo kordhin u sameysay howgalka AMISOM ee Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Golaha Amaanka ee QM ayaa Cusbooneeysiiyay Waqtiga Ciidanka AMISOM ay Soomaaliya joogayaaan,waxaana la gaarsiiyay 31-ka May 2019 kadib Qaraar goluhu uu shalay gaaaray.

Qaraarka oo tiriskiisu yahay 2,431 ayaa ku guuleeystay cod aan kala harlahayn ee Golaha, wuxuuna sidoo kale go’aaminayaa yareeynta Ciidamadda hoostaga howlgalka Midowga Africa, 28-ka February 2019 waa in ciidanka AMISOM la gaarsiiyaa 20,626 oo ay ku jiraan 1,040 booliis ah.

Qaraarkaan waxaa uu imanayaa kadib Bishii May ee sanadkaan markii Goluhu uu waqtiga Howlgalka gaarsiiyay 31-July oo maanta ah.

Howlgalka AMISOM ee Somaaliya waxaa la bilaabay 2007 dii, tan iyo xilligaasna xeeldheereyaaasha Amaanku waxay sheegeen in kastoo ay caawiyeen Ciidanka Dowladda faderal-ka ah wali in aysan gaarin hadafyo muhiim ah oo Howlgalka loo aasaasay.