Somali News

Q.M oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabada Ciidul fidriga

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobe ayaa waxaa hambalyo ku aadan munaasabada ciidul fidriga loogu diray shacabka Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya maalinta koowaad ee ciida.

“Qaramada Midoobay waxa ay dadka Soomaaliyeed u rajaynaysaa Ciidul-Fidri nabdoon oo amaan ah maadaama aan ku jirno dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Qoraalka Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale lagu yiri “Qiimaha iyo casharrada bisha Ramadaan – dib-u-milicsiga, is-xakamaynta, samafalka, iyo wadajirka bulshada – waa aasaaska lagu dhisayo horumarka Soomaaliya. Waxaan sii wadi doonaa taageerada Soomaalida si ay u horumariyaan mudnaanta qarankooda. Ciid Wanaagsan,” ayuu raaciyay.