Uncategorized

Q.M oo Sheegtay in Sanadkii la Soo dhaafay ay wiiqantay awooda Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjira Michael Keating oo la hadlay wargayska Daily Nation ee Kenya kasoo baxa ayaa sheegay in sanadkii dhamaaday ee 2017 uu ahaa sanad bur bur badan soo gaaray Xarakadda al-Shabab oo ay wiiqantay awoodii ay ku lahaayeen gudaha Soomaaliya sida uu yiri.

Danjire Michael Keating waxaa uu sheegay inuu aaminsanyahay in Al-Shabab ay ay hoos u dhaceen awood ahaan gaar ahaan marka laga eego dhanka dagaalamayaasha, dhaqaalaha iyo siyaasanba.

Wakiilka Q,M ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in sanadkii dhamaaday ee 2017 ay hoos u dhacday dhaqaalo ay ka heli jireen lacag canshuur ahaan uga qaadi jireen dadka ku nool meelaha ay ka taliyaan.

Sababta ay lacagtaas ugu dhacday waxaa uu ku sheegay in abaartii dalka ku dhufatay ay keentay in dad badan ay ka qaxaan dhulka uu xukunka Shabab ka jiro taasna ay keentay inay hoos u dhacdo lacagta ay helayeen.

Sidoo kale Keating waxaa uu soo hadal qaaday in duqeymaha ka dhaca gudaha Soomaaliya ee diyaaradaha Maraykanku geystaan ay gacan ka geysatay inay yaraadaan dagaalamayaasha ay leeyihiin.

Qiyaastii 200 oo dagaale ayuu sheegay inuu aaminsanyahay in Al-Shabab looga dilay weeraro xagga cirka ah oo Maraykanku sanadkii hore Soomaaliya ka fuliyay.

Taageeradda siyaasadeed ee ay Al-Shabab heli jireen inay yaraatay oo ay hoos si weyn ugu dhacday ayuu wakiilka Q,M ee arrimaha Soomaaliya wixii ka dambeeyay weerarkii dadka badan lagu laayay ee bishii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Weerarkii October Muqdisho ka dhacay waxaa uu si weyn u dhaawacay taageeradii siyaasadeed ay kooxdaan heysteen” ayuu ku yiri Michael Keating waraysiga uu siiyay wargeyska Daily Nation.

In markii hore ay ka faa’idaysan jireen isku dhacyada beelaha dhex mara oo ay garsoor u sameyn jireen haddase laga sameeyay degaanada laga saaray guddiyo gaar ah oo hawsha garsoorka qabta.

Sidoo kale mar uu Keating ka hadlayay waxyaabaha uu aaminsanyahay inay keentay inay wiiqantay awoodii Al-Shabab waxaa uu sheegay inay sidoo kale inay hoos u dhacday dhalinyaradda ay qoran jireen ee ku biiri jiray.

In la qaado tilaabo kasta oo Al-Shabab looga adkaan karo ayuu ku baaqay in la qaado loogana dambeeyo dawlada uu M/weynaha ka yahay Max’ed C/llaahi Farmaajo go’aanka ay ka qaadato.