Somali News

Q.M oo shir ka leh halka ay dhaqaalaha ka helaan Al Shabaab.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa  Maanta oo khamiis ah oo taariikhda ku beegan 15-ka October, 2020, waxaa ay shir deg deg ka yeelan doonaan warbixin laga gudbiyay Soomaaliya.

Warbixinta oo ay diyaariyeen lix khuburo fadhigoodu yahay caasimadda Kenya ee Nairobi, waajibaadkooduna yahay dabagalka dhacdooyinka Soomaaliya ayaa ku saabsan Nidaamka maaliyada Soomaaliya iyo dhaqaalaha ay Al Shabaab helaan.

Waxaana Khubarada warbixintaan diyaariyay uu fadhigoodu yahay Magaalaad Nairobi ee Caasimadda Kenya, waxana tirada Khubarada warxintaan diyaariyay tiradoooda lagu sheegay in ay tahay Lix Khabiir, kuwaas oo waajibadkoodu yahay in ay dabagal ku sameeyaan isku dhexmilanka Al-shabaab iyo Nidamka Maaliyadeed ee Soomaaliya.

Wargeyska New York Times ayaa maalmo ka hor daabacay warbixin  sheegaysay in  Al Shabaab ay heshay hab cusub oo ay malaayiin Doolar-ka Mareykanka kaga samayso gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Wargeyska ayaa  sheegay in Al-shabaab ay lacago badan ka sameeyaan jid gooyooyinka iyo Candhuuraha ay ka qaadaan ganacsatada.

Mudaddii u dhexeysay  December 2019 ilaa Augusto 2020 ayaa Al-shabaab waxaa ay gacanta ku dhigeen 13 milyan oo Doollar, waxaana warbixnta lagu sheegay in 128 Rasiit lagu sameeyay Baaritaanno, kuwaas oo dhamamantood caddeynaya Macaamiiltanka Al-shabaab ay la leeyihiin ganacsiyada dalka ka jira oo ay ugu horreeyaa Bangiyada iyo Ganacsiyo badan oo ay maalgashteen.