Uncategorized

Q.M oo soo dhaweysay qaabka loo maamulo dakhliga dowlada Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhaweeyay guusha uu soo hooyay Wasiirka Maaliyadda iyo dadaalka uu sanadkaan u galay sare uqaadida Dakhliga Dowladda u soo xarooda iyo qaabkii loo maamulay intaba.

Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo gaba gaboobay shir Sadex geesood ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo uu hogaaminayay Wasiir Maaliyada C/raxmaan Ducaale Bayle, Madaxda Hey’adda Lacagta Aduunka ee IMF iyo  Madaxda Bangiga Aduunka.

Shirka oo socday todobaadkii tagay ayaa lagu lafa guray horumarka Maaliyadda Soomaaliya, Sara ukaca Dakhliga Dowladda, Bixinta Mushaarka Joogtada ah iyo hufnaanta maamulka maaliyadeed ee Wasaarada Maaliyadda ku tilaabsatay.

Madaxda hay`ada lacagta aduuna ee IMF iyo kuwa Bangiga Aduunka ayaa hadda shaaciyay in ay ku qanceen maamulka Maaliyadeed, in si sax ah loo uruuriyo Canshuuraha iyo horumarka ay gaartay Dowladda, taasna waxay sababtay in ay bilaabato howsha Cafinta deymaha Soomaaliya lagu leeyahay.

“Waxaa si guul ah inoogu soo dhamaaday Shirkii IMF/Bangiga Aduunka, waxay ku qanceen dhamaan qodobadii aan hordhignay taasna waxay sababaysaa in Soomaaliya laga Cafiyo Deymaha lagu leeyahay iyadoona ay haddaba bilaabatay howahii iyo qaabkii Deymaha nalooga cafin lahaa” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Bayle.

Iyadoona hanaanka maaliyadeed ee dowlada Soomaaliya ay soo dhaweysay Qaramada Midoobey oo tilmaamtay in si hufan loo maamulo dakhliga dowlada.