Somali News

Q.M oo Wakiil cusub u soo magacaabaysa Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Qaramada Midoobe  ayaa  waxaa ay qorsheynaysa in ay Soomaaliya u soo magacawdo ergay cusub ,kaasi  oo badali doona Ergaygii hore ee Qaramada Midoobe  u qaabilsanaa Soomaaliya.

Soo magacaabista Ergayga cusub ayaa imaanaysa kadib markii  bishan January ay dowlada Soomaaliya Ceyriday wakiilkii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe  u qaabilsanaa Soomaaliya Mr Nichalos Haysom.

Afhayeenka labaad ee Qaramada Midoobe  Farhan Haq, ayaa sheegay in xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres, uu kalsooni buuxdo ku qabay Mr Haysom, uuna aad uga xunyahay go’aanka ay dowlada Soomaaliya ku ceyriday.

Ku xigeenka Afhayeenka Qaramada Midoobe  Farhan Haq, ayaa waxaa uu sheegay in Antonio Guterres xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe  uu go’aansaday in Soomaaliya uu u soo magacaabo Ergay cusub.

Nichalos Haysom wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe  u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa xafiiska Qaramada Midoobe  ee Soomaaliya baneenaya in ka yar afar bilood uu ka shaqeenayay dalka.