Somali News

Q.M oo walaac ka muujisay Canshuurta ay qaadaan Al-Shabaab

Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujinaysa in Al-Shabaab hada  dakhliga ay helayaan uu sii balaaran karo, iyadoona canshuuraha ay ka qaadayaan magaalooyinka sii kordhayaan.

Warbixin uu daabacay wargayska New York times oo soo xiganaya walaaca qaramada Midoobay ee dakhliga Al-Shabaab ayaa waxaa lagu muujiyay in Al-Shabaab ay awood u leeyihiin adeegsiga lacagta taleefoonada lagu shubto, isticmaalka bangiyada, iibinta iyo kiraynta guryaha.

Guddi khubaro ah oo ka socda Golaha Amniga oo dusha kala socda arrimaha Soomaaliya ayaa soo saaray warbixintaas, oo aan weli bulshada loo soo bandhigin, sida ay sheegtay The New York Times.

Warkaan uu baahiyay wargayska New York times ayaa sidoo kale lagu muujiyay sida Al-Shabaab awoodooda weerarada u doonayaan in ay ku baahiyaan gobolka oo dhan xili lagu qiyaaso ila 4000 oo dagaalame.

Xogtan laga helay khubarada golaha loo dhan yahay ayaa waxaa sidoo kale ay tibaaxaysaa in Al-shabaab ay canshuurta ay ka qaadaan Muqdisho iyo meelo kamid ah koofurta iyo bartamah soomaaliya ay bar bar socota Zakawaad ay ka uruuriyaan dadka, taasi oo il dhaqaale noqon karta.

Warbixinta ayaa sidoo kale looga hadlay in dekada Muqdisho alaabaha kasoo daga Al-shabaab ay canshuuraan, islamarkaana cid ka hor istaagi kartaa aysan jirin.