Somali News

Q.M “weeraraddii ugu badnaa ayaa Soomaaliya ka dhacay bil gudaheed tan iyo 2016 kii”

Muqdisho-KNN-Warbixin cusub oo uu soosaaray Xog-hayaha Qaramadda Midoobay ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay sameeyneyso horumar ay ku dhiseeyso Dolwad shaqayneysa, hase ahaatee wali ay u baahantahay in ay la dagaalanka xagjirnimadda gacanka ka hadalka kusaleysan, argagixisadda, dagaaladda, xasiloonidaradda siyaasadeed iyo musuq maasuqa.

Antonio Guterres ayaa warbixinta oo isniintii loo qaybiyay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay waxaa uu ku sheegay caqabadaha hada jira ay “muujinayaan nugeyl wali ka jira faa’iidooyinkii lasameeyay, horumarkuna uu khatar ku jiro.”

Ka dib ku dhawaad 30 sano oo dagaallo sokeye, weeradda xagjirka ah iyo macluushu ay wadanka rafaadiyeen, weli Soomaaliya ayaa dadaal ku bixineeysaa in ay kasoo kabato dhaawaca cuuryaamiyay. Laakiin Guterres waxaa uu sheegay in “xaaladda amaan ay weli jilicsantahay” isagoo kusaleeyay warbixintiisa intii u dhexeysay December sanadkii hore iyo horraanta bishaan May.

Al-shabaab ayuu sheegay in ay weli yihiin ” kuwa ugu weyn ee geeysta weeradda ka dhan ah xarumaha Dowladda, saraakiisha Dowladda, iyo cidanka amaanka iyo sidoo kale magaayadaha iyo hetelladda caanka ah.”

Wakaaladda Wararka ee Washington post ayaa Guterres kasoo xigatay “in ay kordheen weeradda ka dhaca Muqdisho, halkaas oo qaraxyaddu maalin walba dhacaan” sida uu hadalka u dhigay,

 Xog-hayaha Qaramadda Midoobay waxaa uu hadalkiisa kusii daray “in Bishii March ee Sanadkaan ay wadanka ka dheceen 77 weerar, waana bishii ugu weeradda badneyd tan iyo 2016 kii.

Waxaa intaas dheer ayuu yiri Geterres in ay jireen “weerarro la xusi karo oo madafiic ah, kuwaas oo muujiyay awoodda ay Al-shabaab u leeyihiin in ay  si sax ah ubartilmaameedsadaan goobaha istiraatiijiga ah.”

Islamarkaas, Xog-hayaha guud waxaa uu sheegay in xilligii warbixintaan la sameeynayay la arkayay howlgalladda amniga oo kordhay iyo tiro badan oo duqaymo ah oo lala beegsaday saldhiyo tababar oo ay Al-shabaab leeyihiin iyo meelo ay isugu yimaadaan, taasi oo hoos u dhigtay awoodda ay ku howlgalaan iyo dhaq-dhaqaaqoodii xorta ahaa.

“Waxay sidoo kale duqaymuhu keeneen in ay Al-shabaab kordhiyaan dhaq-dhaqaaqooda magaalooyinka, gar ahaan Muqdisho, halkaas oo ay yartahay in xoogagooda hawada laga bartilmaameedsado.” ayuu yiri Guterres.

Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Midoobay ayaa sidoo kale waxaa uu warbixintiisa uga hadlay xaaladda banii’aadanimo ee Soomaaliya. Wuxuu sheegay in BangigaAduunku uu ku qiyaasay saboolnimadda iyo nuglaansha Soomaaliya in 77% dadka Soomaaliya ay ku noolyihiin meel ka hoseeysa xariiqda saboolnimadda daran ee $1.90 maalintiiba.

“Saboolnimadu waa ay weyntahay waxayna ku faaftay deegaanadda baadiyaha ah iyo meelaha ay deganyihiin Dadka barakacay.

Qaramadda midoobay ayaa sidoo kale waxay codsatay Isniintii $710 million si loo caawiyo 4.5 million oo ruux oo ay abaaruhu sameeyeen, hadana ku sugan xaalad liidata.