Uncategorized

Qaad si dhuumaaleysi ah lagu geliyay magaalada Baladxaawo oo lagubay.

Baladxaawo-KNN-Ciidamada Amaanka ee degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta soo qabtay sidoo kale na goob fagaare ah ku gubay qaad si dhuumaaleysi ah  loo geeyay magaalada Baladxaawo.

Tani ayaa timid kadib markii laba maalin kahor uu maamulkaBaladxaawo amar ku bixiyay in dadka iyo gaadiidkuba aysan iskaga talaabi karin soohdinta u dhexeeysa Baladxaawo iyo Mandheera ee ah xuduuda Kenya ee Gobolka Gedo.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Baladxaawoayaa warbaahinta u sheegay in sababaha ay u xireen xuduudda dhanka Baladxaawo ay tahay kadib markii Kenya ay diiday in loo gudbo dalkeeda, ayadoo ay jiraan ganacsiyo galaya iyo kuwa ka imanayay dalkaasi sidoo kale na ay sii kordhayaan dhibatooyinka ay ciidamada Kenya ka geystaan xuduuda.