Somali News

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Beledxaawo oo la keenay Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka Ku dhawaad 20 ruux oo ku soo dhaawacmay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baladxaawo ayaa xalay la keenay magaalada Muqdisho, iyadoona haatan lagu dabiibayo isbitaalada ku yaala magaalada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in 17 qof oo dhaawac, iyaguna la dhigay isbitaalada ku yaala magaalada Mandhera.

Dagaalkii shalay ka dhacay Beledxaawo ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 20 qof oo isugu jira labadii dhinac ee dagaalamay iyo dadka deegaanka.

Sidoo kale Qaar ka mid ah madaafiicdii ay adeegsadeen ciidamadii dagaallamay ayaa waxaa ay sababtahay dhimashada shan caruur ah oo wada dhashay iyo dhaawaca hooyadood, iyadoo qoyskaas uu ka badbaaday aabaha oo xiligaas ka maqnaa guriga.

Sidoo kale dhaawacyada ayaa la sheegay iney ka badan yahiin 30, waxeyna ciidamada Dowladda sheegteen iney qabsadeen gawari dagaal iyo  maxaabiis ciidan oo ay tiro ahaan ku sheegeen 100, 


Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Kenya ee kasoo talaabeen xuduudka labada dal ay bartilaameedkoodu ahaa inay qabsadaan degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, hayeeshee Ciidanka Xoogga dalka ay ka hortageen, ayna iska difaaceen.

Maamulka Jubbaland ayaa beeniyay sheegashada dowladda federaalka ee ku aadaneyd dagaalkii magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kaasi oo ay sheegtay inay qeyb ka ahaayeen ciidamada Kenya.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyntaasi, isagoona xusay inay been abuur tahay hadalkii uu wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya u ku sheegay in dagaalka ka dhacay Beled-Xaawo ay ku qabteen ku dhow boqol maxaabiis oo ah ciidamada Jubbaland.