Somali News

Qaar ka mid ah madaxda dunida oo war ka soo saaray doorashada Mareykanka

London-KNN-Hoggaamiyeyaal siyaasadeed ayaa billaabay in ay u hambalyeeyaan Joe Biden oo ku guuleystay doorashada madaxtinimada Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, wuxuu yiri, “Waxaan rajeynayaan” in aan la shaqeeyo Biden iyo ku xigeenkiisa ee la doortay Kamala Harris, maadaama uu muujiyay xiriirka dhow ee labada dal ka dhexeeya.

Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee Mucaaradka ah ee UK, Keir Starmer, ayaa sheegay in Biden uu ololihiisa ku muujiyay “qiyamka aan inaga ee UK ah aaminsan nahay, sharafta, iyo jaceylka iyo awoodda”.

Hogaamiyaha wadanka Kuuriyada Koonfureed ayaa dhankiisa u hambalyeeyay Joe Biden oo ah madaxwaynaha ladoortay ee wadanka Mareykanka.