Uncategorized

Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada oo maanta ku wajahan Baydhabo

Baydhabo-KNN-Wufuud kala duwan oo ay hogaaminayaan Madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed.

Magaalada Baydho ee gobolka Bay ayaa shir wuxuu furmi doonaa Madaxda maamul goboleedyada kuwaas oo shiri doono arimo dhowr ah ay ka mid tahay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo qodoba kale.

Soo dhaweynta wafuuda ku wajahan magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa magaalada gudaheeda iyadoona amaanka magaalada aad loo adkeeyay.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in dhow ay gaaraan magaaladaasi.