Uncategorized

DHAGEYSO:-Qaar ka mid ah Shacabka muqdisho oo Madaxweynaha ku amaanay go’aankii uu ka baajiyay kulankii Xildhibaanada.

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay go’aankii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu maanta ku baajiyay kulankii cabsida laga qabay ee Golaha shacabka Soomaaliya.

Shacabkaan ayaa sheegay in ay maanta aad uga walaacsanaayeen kulanka Xildhibaanada oo ahaa mid ay ku balansanaayeen Xildhibaano iska soo hor jeeda kuwaas oo ku kala aragti duwan Mooshinka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay Guddoomiye Jawaari iyo Labadiisa ku xigeen waxa uuna ka dalbaday in kulanka la baajiyo iyadoona sidoo kale lagu heshiiyay in arintaan wadahadal laga galo.

Maanta ayaa waxaa aad u degan Xaaladda siyaasadeed ee magaalada Muqdisho markii loo eego maalmihii la soo dhaaf oo ay ka jirtay xaalad aad u qasan oo dhinac siyaasadda ah.

Halkaan ka dhageyso qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho oo arintaan ka hadlaya.