Somali News

Qaar kamid ah shaqaalaha hey’adda duulista Rayidka Soomaaliya oo tababar loogu soo gabogabeeyey Dalka Itoobiya

Muqdisho-KNN-Waxaa Maanta tababar ku saabsan la socoshada duulista Hawada loogu soo gabagabeeyay Magaalada Addis ababa qaar ka mid ah shaqaalaha duulista Rayidka Soomaaliya.

Shaqaalahan oo ay tiradooda gaareyso Sagaal xubnood ayaa tababarkan  qaadanayay muddo Bil ah, iyagoo baranayay Casharro ku aaddan sharciyada hagidda iyo la socoshada Diyaaradaha isticmaala Hawada Dalkeenna ,Waddanka Hindiya iyo guud ahaan Dalalka aynu jaarka nahay.

Wasiirka Gadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya ,Maxaned Cabdullaahi Salaad (Oomaar), ayaa munaasabaddii lagu soo xirayay tababarka ka sheegay in laga billaabo dabayaaqada Bisha July ay si rasmi ah u maamuli doonaan Diyaaradaha isticmaalada Hawada Dalka ‘ shaqaalaha Soomaaliyeedna ay u tababaran yihiin sidii loo Maamuli lahaa.

Diiwaan gelinta Diyaaradaha isticmaala Hawada Dalka iyo bixinta aqoonsiyada duuliyeyaasha ayaa qeyb-ka ah go’aannada ay xaqa u leedahay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo dakhliga kasoo baxana uu kor u qaadi doono kobaca dhaqaalaha Dalka.

Tababarkan lagu soo gabagabeeyay Magaalada Addis ababa ayaa ka mid ahaa shuruudaha ku xirnaa soo wareejinta maamulka Hawada Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in 27-ka Disembar ee Sanadkan qalab casri lagu rakibo xarumaha hagidda Diyaaradaha ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso.