Uncategorized

Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho oo wali xiran.

Muqdisho-KNN-Inta badan wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran waxaana lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya oo ku sugan wadooyinka magaalada kuwaas oo dadka iyo Gaadiidka ka celinaya.

Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah wadadda Makka Al-Mukarama, wadanaha, iyo wadooyin kale oo ku dhaw dhaw KM4 sidoo kale waxaa saakay xiran wadooyin ku yaala dhinaca waqooyi ee Soomaaliya oo shalay furnaa.

Lama oga sababta keentay xirnaanshiyaha wadooyinka magaalada wararka qaar waxay sheegayaan in loo xiray Cabsi laga qabo in ay banaanbaxyo ka dhacaan Muqdisho oo looga soo horjeedo Xiragga C/raxmaan C/Shakuur Warsame.