Somali News

Qaar kamid ah dhaawacyadii Sh/Dhexe oo goordhow Muqdisho la soo gaarsiiyay

Jowhar-KNN-Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka degaanka Burdheere ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa goordhow la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho waxaana ku jira kuwa ay xaaladooda aad u liidato sida ay sheegayn dadka degaanka.Diyaarad ka baxday magaalada Muqdisho ayaa

Diyaaradda soo qaaday dhaawacyada oo la sheegay in si gaar ah loo kireestay ayaa ka baxday magaalada Muqdisho waxayna soo qaaday dhaawacyo gaar ah kuwaas oo wax looga qaban waayay Isbitaalka magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle sida ay sheegayn saraakiil katirsan Maamulka HirShabeelle.

Xaalada goobihii lagu dagaalamay ee degaanka Burdheere ee degmada Cadale ayaa la soo sheegayaa in hada ay xaaladu dagan tahay waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu xaliyo colaadda taagan ee u dhaxeysa dhinacyadii dagaalamay.