Somali News

Qaar kamid ah madaxda dawlad goboleedyada oo Kismaayo gaaray

Kismaayo-KNN-Madaxweyanayaasha dawlad goboleedyada Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa ay gaareen magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa gagida dayuuraha kusoo dhaweeyay labada  hogaamiye.

Madaxda gobollada ayaa ku qul-qulaya Kismaayo waxaana la filayaa in maallinimada barri ah, halkaa uu ka furmayo shirka iskaashiga dawlad goboleedyada dalka.