Somali News

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Sh/Hoose oo eedeyn kulul u jeediyey Guddoomiyaha D/Marka

Muqdisho-KNN-Nabadoon Axmed Maxamed Calasoow iyo Imaam Cabdullahi Khaliif Rooble oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in dhibaato weyn ay ka jirto deegaanada qaar ee Gobalka Shabeellada Hoose, kuwaas oo uu sheegay in qaar kamid ah dadka kunool deegaanadaas aan loola dhaqmin si wanaagsan.

Waxay sheegeen in Todobaadkaan gudihiisa Ciidamada Bangaraafta ee Mareykankanku tababaro ay goor habeyn ah Beerahooda ka afduubteen labo ruux oo rayid ah, iyadoo aan la ogeyn waxa ay ku heystaan.

 Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Hoose Ibraahim Najax iyo Guddoomiyaha degmada Marka Cabdullahi Waafoow ayey ku eedeeyeen inay ka dambeeyaan dadkaas laga ka xeystay Beerahooda, iyagoo sheegay in dad gaar ah loo adeegsado Ciidamada Bangaraafta ee ka howl gala gobolka Shabeellada Hoose.

 Dowladda Soomaaliya ayay ka dalbadeen in ay soo fara galiso arinta cadaalad darada ah ee ka taagan Gobolka Shabeellada Hoose, taas oo sida ay sheegeen lagu baacsanayo beelo gaar ah oo kamid ah Bulsha weynta degta Gobolkaas.