Somali News

Qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho oo xiran

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, ayaa maanta xiran, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ku jaray wadooyinka.


Gaadiidka dadweynaha ayay ciidamadu u diidayaan in ay maraan wadada, iyadoo kaliya waddooyinka ay isticmaalayaan gawaarida ciidamada iyo kuwa wada Mas’uuliyiinta dowladda.

Boqolaal ka mid ah dadka reer Muqdisho ayaa lagu geynaaya Wadooyinka Magaalada Muqdisho, maadaama aan la ogoleyn in wadooyinka ay maraan Gaadiidka dadweynaha.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ay ku soo jeedaan madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland kuwaasi oo maalmahanba la hadal hayay socdaalkooda.