Uncategorized

Qaar kamida Madaxda Maamul Gobolleedyada oo Maanta la filayo in ay yimaadaan Muqdisho

Muqdisho–KNN– Iyadoo lagu wado Berri oo ku beegan 28-ka Bishaan inuu Magaalada Muqdisho ka furmo Shirka u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Gobolleedyada Ee Xubnaha ka ah Dowladda Dhexe ayaa Maanta la filayaa in Magaalada Muqdisho ay soo gaaraan.

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in Maanta Muqdisho ay imaan doonaan Madaxweyneyaasha Koofur Galbeed iyo Galmudug oo kala ah Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweyneyaasha Puntland,Hirshabelle iyo Jubbaland ayaa sidoo kale la sheegay in Berri ay soo gaari doonaan Magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay sheegay in loo diyaar garoobay Shirka Madaxda Maamul Gobolleedyada ee ka dhici doona Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.llaahi Farmaajo ayaa Casuumaad u fidiyay Madaxda Maamul Gobolleedyada si looga wada hadlo Khilaafka u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Maamul Gobolleedyada.