Somali News

Qaarada Africa oo ka xorowday Cudurka Qatarta ah ee Dabaysha.

Wadamada Qaarada Africa ayaa si rasmi ah loo shaaciyay in ay ka xoreebeen Cudurka Dabaysha oo kamd ah Cudurada halista aadka u badan qaarada ku hayay.

Cudurka dabeysha waxuu inta badan ku dhacaa carruurta ka yar shanta sano, mararka qaarkoodna waxuu u horseedaa curyaannimo aan kasoo kabsho lahayn halka xiliyada qaar ay u dhintaan caruurta.

25kii sano ee lasoo dhaafay cudurka dabaysha ayaa naafeeyay qaarada Africa kumanaan kun oo caruur ah kuwaa oo intooda badan waayay daryeel caafimaad.

Soomaliya ayaa kamid ah ahayd dalalkii ugu horeeyay ee sadaxdii sano ee lasoo dhaafay hoos u dhac balaaran uu ku yimid cudurkan qatarta ah.

Dunida oo idil haatan waxaa si rasmi ah uu uga jiraa wadamada afganistan iyo Pakistan.