Somali News

Qal-qal siyaasadeed oo ka taagan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Jig-jiga-KNN-Khilaaf siyaasadeed oo ka bilaawday muran iyo kala aragti duwanaansho u dhaxeeya Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Cagjar iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada haayo ee Soomaali Ismaamulka Soomaalida Axmed Shide, sidoo kalane ah Wasiir katirsan Itoobiya ayaa ka taagan degaanka Soomaali State ee dalka Itoobiya.

Kulamo lagu kala tagay ayaa saacadihii la soo dhaafay magaalada Adis-Ababa ku dhaxmaray Madaxweyne Cagjar, Axmed Shide iyo Reysal Wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed. Kulamada ayaa la sheegay iney wali socdaan islamarkaana aysan jirin wax natiijo ah oo ka soo baxay.

Golaha wasiirrada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wadaa maanta inay isugu yimaadaan xarunta madaxtooyada, iyadoo magaalada Jigjiga laga soo sheegayo degganaansho la`aan siyaasadeed, kaddib markii Madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar shalay labo jeer looga yeeray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.