Somali News

Qaramada Madoobay oo soo saartay digniin ku saabsan Abaarta iyo Dadka ku barakacay

Hay’adda isku-duwidda gargaarka bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay UNOCHA oo soo saartay Warsaxaafadeed ayaa sheegtay in sii kordhayaan dadka ka barakacaya Abaarta daran ee ka jirta Soomaaliya, isla markaasna loo baahan dhaqaalo wax looga qabto.

Hay’adda ayaa sheegtay in 40 sanno aan hore loo arkin abaarta dalka ka jirta oo saameysay toddoba milyan oo ruux, isla markaasna ay ku barakaceen Malaayiin kale.

In ka badan 2 milyan oo ruux ayaa ku barakacay Abaarta oo ay sii dheertay in 800 boqol oo kun oo cusub ay barakaceen intii u dhaxeysay bilaha Decembar iyo May.

Barkacayaasha cusub ayaa dagey Xeryo ama kaamam ku yaalla sadeen magaalooyinka Mogadishu, Baidoa, Gaalkacyo, Belet Weyne, Bossaso, Kismayo and Burao.

Sidoo kale, UNOCHA ayaa sheegtay in loo baahan yahay dhaqaale ka badan 993 oo milyan si wax looga qabto Abaarta laga digayo in ay isku badasho Macluul iyo Nafaqa-darro.

Hadalka ka soo baxay Hay’adda isku-duwidda gargaarka bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay UNOCHA ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay ay Isbitaalka Magaalda Kismaayo ku geeriyoodeen in ka badan 30 carruur ah, kuwaasi oo ay ku dhacday Nafaqo-darro ka dhalatay Abaarta ka jirta dalka.