Somali News

Qaramada Midoobay iyo Galmudug oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ka Al-shabaab

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay wafdi uu hogaaminayay danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo maanta soo gaaray halkaasi.

Madaxweynaha iyo danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga gaar ahaan la dagaalanka Al-shabaab, Abaaraha ka jira deegaannada Maamulka iyo mashaariicda hormarineed.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla soo qaaday qorshe ay xafiis cusub oo dhawaan Qaramada Midoobay ay ka furanayso caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, si loo fududeeyo Adeegyada Bulshada.