Uncategorized

Q.M. oo ka deyrisay xaaladda dadkii ka Barakacay Fatahaada Wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Muqdisho-KNN-Qaramada Midoobay ayaa soo saartay Warbixinteedii ugu horeysay oo ay kaga hadleyso xaaladda Dadkii ka Barakacay fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ee Mara qaar ka mid ah Gobalada Soomaaliya.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa waxaa soo Hay’adda Q.M. u qaabilsan isku dubbaridka Gargaarka ee loo yaqaan UNOCHA waxayne sheegtay in dad gaaraaya 630,000 ay ku Barakaceen fatahaadaha loona baahanyahay gargaar deg deg ah.

UN OCHA waxaa ay sheegtay in hadda loo baahanyahay $16 Milyan oo doollarka Mareykanka ah si wax looga qabto Fatahaadaha Wabiga Shabeelle iyo Roobka guga ee ka da’ay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hay’addu waxaa ay sheegtay in ka hor fatahaadaha gargaarka Dhaqaale ee Soomaaliya looga baahanaa uu gaarayay $1.5Bilyan oo doollar haddana ay xaaladda ka sii dartay.

Waxaa ay warbixinta ku sheegeen in Magaalooyinka Beladweyne iyo magaalooyin kale ay yihiin kuwa ugu daran ee fatahaadda saameynta weyn ku yeelatay.