Muqdisho-KNN-Xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa Warqad u Qoray Madaxweeyanaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, taasi oo Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya uu uga Hadlay Nidaamka loo marayo Xalinta Xiisadda Siyaasadeed ee ka Taagan Magaaladda Cadaado ee u dhexeeysa masuuliyiinta Maamulka Galmudug.
Michael keating Warqadda uu u qoray Madaxweeyne Xaaf waxaa uu uga Jawaabayay Warqad kaga timid dhinaca madaxweeyne Xaaf, sida ku cad warqadda keating uu u diray Xaf oo uu ku bilaabay “ Waad ku mahadsantahay Warqadaaadii ku taaariiqeeysneeyd 30-kii September 2017 ee aad ku xustay Waxii ugu Dambeeyay ee ka Taagnaa Maamulka Galmudug”
Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa intaas kadib waxa uu Warqadiisa ku xusay in ay ku Boorinayaaan Dhmanaan dhinacyadda Galmudug in ay isu yimaadaan Wada hadal wax dhisa.
“Sidhow ayaan ula soconay waxa dhacaya, waxaana si adag ugu dhiirigalineeynaaa dhamaan dhinacyadda galmudug in ay galaan wadahadal Wax dhisa taasi oo Xasilooni iyo Nabad u keeni karta Galmudug” ayuu Warqadiisa ku sheegay keaating.
Sidoo kale Warqadda uu Wakiilka QM ee Soomaliya u diray Wadaxweeynaha Galmudug waxaaa uu ku xusay in wadahalku uu keeni karo in laxaliyo arrimaha soo baxaya lana abuuro Xiriir adag oo Maamul Goboleedyadda iyo Dowladda dhexe u suurtagalinaya in ay Si wada jir ah u shaaqeeyaan si loo horumariyo Xaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo Banii-aadanimo ee Soomaaliya.
“QM iyo Beesha Caalamku waxay sidoo kale Fariintaan gaarsiinayaan Dowladda fedralka ah ee Soomaaliya, Adkeeynta xiriirka u dhexeeya Dowladda federalka ah iyo Maamul Goboleedyadda waa ahmiyadda ugu sareeysa uguna Muhiimsan Guusha Daaladda Dowlad dhisidda ee Soomaaliya” ayaa Michael keating kusoo Gaban gabeeyay Warqadii uu u diray Madaxweeyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.