Somali News

Qaramada Midoobay oo sheegaya in carruur badan ay Nafaqadaro ugu geeriyoodeen magaalada Qaza

Ugu yaraan 15 carruur ah ayaa saacadihii la soo dhaafay  nafaqo darro iyo fuuqbax ugu geeriyooday Isbitaalada magaalada Qaza ee ay dagaalka ku heyso Israel.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF ayaa ka digay in carruur kale oo hor leh ay u geeriyoodaan nafaqadaro goobaha ay go’doomiyeen Ciidamada Israa’iil ee u yaalla Qaza.

Xaalada adag ee ka taagan magaalada Qaza ayaa ka sii dareysa, iyada oo Ciidamada Israel ay wadaan duqeymaha iyo weerarada tooska ah.

Dhinaca kale, waxaa socda Wadahadallo u dhaxeeya Mareykanka, Masar, Xamaas iyo Israel, iyada oo la rajeynayo in lagu dhawaaqo xabad joojin.