Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guterres ayaa sheegay in ay qubaro u direen dalka sucuudiga si ay baaritaano uga sameeyaan weerarkii dhwaan lagu qaaday xarumaheeda shidaal.
Gutters ayaa warfidiyeenada u sheegay in qubarada ay ku direen qaraarkii Golaha Amaanka ee heshiiskii Niyukleerka 2015’kii u dhaxeeyay dowladda Iran iyo quwadaha waawayn.
Xoghayaha Guud ayaa looga baahanyahay in lixdii biloodba mar uu gudbiyo warbixin ku aadan wixii laga fuliyay heshiiskaasi.
Mareykanka iyo Sucuudiga ayaa labadaba ku eedeeyay Iran masuuliyadda weerarka lagu qaday xarumaha shidaal ee shirkadda Aramco.
Tehran ayaa eedeemahaasi ku tilmaamtay kuwo waxba kama jiraan ah.
Falaagada Xuutiyiinta ee ka dagaalanta gudaha dalka Yemen ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka.
Isbahaysiga uu hogaamiyo Sucuudiga ayaa qayb ka ahaa colaada dalka Yemen tan iyo sanadkii 2015’kii.