Somali News

Qaramada Midoobe oo Xoojin doonto Xiriirka kala Dhexeeya Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Waxaa ay sheegtay Qaramada Midoobey inay adkeyneyso dhinaceeda xiriirka kala Dhaxeeyo soomaaliya kaddib markii ay ku dhawaaqday inuu yahay xiriirkaasi mid soo hagaagaya dhowaanahaan.

Eregyga Xaghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Afrika qeybteeda Siyaasadda iyo nabad dhisidda Bintou Keita, oo muddo shan maalmood booqasho rasmi ah ku joogtay Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxda dowladda federaalka ah ee soomaaliya iyo madaxda maamaul goboleedyada dalka ka jira ay kala hadashay xiriirka labada dhinac u dhaxeeya.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay kala xaajootay madaxda soomaliya hannaanka ka qeybgalka doorashada ee Haweenka, dhaqaalaha iyo sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo xasilooniyadda soomaaliya.

Bintou Keita, ayaa dhanka kale wax wanaagsan ka muujisay dedaalka dowladda Federaalka ah ee soomaaliya ay ugu jirto in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Qoondada siyaasadda ee Haweenka oo ah 30% ayey doorashadii 2016 iyo 2017 ka heleen cel celis ahaan 14%,waxaana saamiga ugu badan ay ka haleen golayaasha shacabka iyo aqalka sare ee dalka sida hadalka loo dhigay.