Somali News

Qaramada Midoobey oo ka walaacsan xaalada ka taagan dalka Lubnaan

Muqdisho-KNN-Qaramada Midoobey ayaa waxa ay ka hadashay xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Beirut ee Caasimada dalka Lubnaan.

Waxa ay sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda Siyaasadeed ee maalmihii la soo dhaafay cirka isku sii shareerayay, iyadoo dalbatay in la soo afjaro, isla markaasina xal laga gaaro.

Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale waxa ay ku baaqday in la soo dhiso Xukuumadda cusub, taas oo ay tilmaantay in ay tahay mid xal u noqon karta ,dhibaatada ka taagan dalka Lubnaan.

Waxaa weli ka soconaya dalka Lubnaan, haba ugu darnaato’e magaalada Caasimada ah ee Beirut, banaanbaxyo ay dhigayaan dadweyne careysan.