Somali News

Qaramada Midoobey oo war ka soo saartay xaaladda Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada mudoobey, ayaa waxaa si kulul looga hadlay isku dhacyada hubeysan ee xalay iyo saakay ka socday Magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ilaalada mucaaradka ah.

“Qaramada Midoobey waxay aad uga walaacsan tahay iska hor-imaadyada hubeysan ee xalay iyo saaka ka dhacay Muqdisho, waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqaysaa in ay is xakameeyaan, lana ilaaliyo isgaadhsiinta si gacan looga gaysto in xaaladda la dejiyo”. Ayaa lagu yiri qoraalka

Qaramada Midoobey ayaa waxaa ay sheegtay in loo baahan yahay in madaxda DFS iyo Maamullada ay gaaraan xal siyaasadeed oo doorasho.

Dhamaan dhinacayada ku lugta leh ayaa loogu yeeray in ay dejiyaan xaaldda lana furo wada hadalo.