Somali News

Qarax ay askar ku dhinteen oo ka dhacay Koofur galbeed dalka Pakistan.

Mas’uuliyiinta dalka Pakistan ayaa sheegay in 4 askari ay dhinteen 5 kalana uu dhawac kasoo gaaray kadib markii ay la kacday miino wadada lagu aasay Kolonyadii Military ay la socdeen oo mareysay Gobolka bulishistan ee Koofur galbed dalka Pakistan.


Ciidankan ayaa ahaa kuwa ilaalada xadka oo iyagu ku jiro howlgal amni sugid ah sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada.

Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegtay mas’uuliyada weerarkaasi inkasto ay ka dhaq dhaqaaqan Maleshiyaad lagu eedeyay inay lacago ka helaan dowladda India.